Baarista bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha (AAA), baaritaan bilaash ah oo loogu talagalay ragga 65 jir ah ama ka weyn (Somali)
La cusboonaysiiyay 3 July 2024
1. Guudmar
Buugyarahani waxuu bixinayaa macluumaad ku saabsan baarista bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha (weliba lagu magacaabo baarista AAA) ee loogu talagalay ragga 65 jir ah ama ka weyn.
Waxuu sharxayaa waxa bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha (AAA) uu yahay iyo waxa dhacaya marka aad u tagto baarista. Waxaa la filayaa in uu kaa caawiyo in aad go’aansato haddii aad rabto in lagu baaro.
Baaritaanka lagu sameeyo baarista AAA waa iskaan ama sawiraad muuq hoose oo sahlan oo bilaash ah.
2. Cidda aan annagu baarno
Adeegga NHS waxuu ragga oo dhan baarista ku marti qaadaa sanadka ay noqdaan 65 jir.
3. Ragga ka weyn 65 jir
Ragga da’doodu ka weyn tahay 65 jir ee aanan hore loo barin waxay la xiriiri karaan adeegga xaafaddooda ama degaankooda si ay baaritaan u habaystaan.
4. Bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha
Halbowlaha ugu weyn (aorta) waa xididka dhiigga ee ugu muhiimsan ee dhiigga u qaybiya jirkaaga. Waxuu ka yimaaddaa wadnahaaga wuuna dhaadhacaa waxuuna maraa laabtaada iyo calooshaada.
Dadka qaarkood, inta ay da’doodu sii korayso, derbiga ama gidaarka halbowlaha ugu weyn ee caloosha ayaa daciifi kara. Ka dib waxuu bilaabi karaa in uu kala fido oo uu yeesho qaabka bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha.
Xaaladdu waxay inta ugu badan ku dhacdaa ragga 65 jir ah ama ka weyn.
Dhalashada bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha.
5. Halisaha suurogalka ah ee bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha
Bararrada waaweyn ee xididku waa dhif laakiin aad ayay u darnaan karaan. Marka uu kala baxo ama kala jiidmo derbiga halbowlaha ugu weyni wuu sii daciifaa wuuna qarxi karaa, taasoo keenta dhiig gudaha ku furma. Qiyaas ahaan 100kii qofba 85 ayaa dhinta marka uu bararka xididku qarxo ama dillaaco.
Halbowlaha ugu weyn ee wax yar oo keliya ballaarma khatar ma leh. Hase yeeshee, haddii cabbirka halbowlaha ugu weyni u dhexeeyo 3 cm iyo 5.4 cm waxaa muhiim ah in aan wadno baaritaankiisa si aan u eegno haddii uu sii weynaanayo.
6. Faa’iidooyinka baarista
Haddii aad yeelato bararka xididka caadi ahaan iskuma arki doontid calaamado cudur. Waxay tani ka dhigan tahay in aadan garan karin haddii aad mid leedahay, xanuun ma dareemi doontid waxayna u badan tahay in aadan isku arkin wax si kale ah.
Waxaan baarista ugu baaqnaa si aan hore ugu heli karno bararrada xididka oo aan la socon karno ama daawayn karno. Waxay tani aad u yaraysaa halisaha in bararka xididku uu keeno dhibaatooyin daran.
Habka ugu fudud ee aad u ogaan karto haddii aad leedahay bararka xididku waa adigoo lagaa qaado sawiraadda ama iskaanka muuqa hoose ee calooshaada.
Qiyaas ahaan 92kii ragba 1 inta baaris laga qaado ayaa leh bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha.
7. Arrimaha halis leh
Ragga ayaa 6 laab haweenka uga filasho badan in ay yeeshaan bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha, taas awgeed oo aanan haweenka loogu baaqin baarista. Halista yeelashada bararka xididka ayaa ku korodha da’da.
Halista in aad yeelato bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha ayaa weliba kordhi karta haddii:
- aad sigaar cabto ama weligaa hore u cabbaysay
-
aad leedahay dhiigkar
- walaalkaa, walaashaa ama waalidkaagu leeyihiin, ama hore u yeesheen, bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha
8. Baaritaanka lagu sameeyo baarista AAA
Waxaan annagu isticmaalnaa sawiraad muuq hoose oo sahlan, oo la mid ah midda loogu baaqo haweenka uurka leh. Tani way dhakhso badan tahay waxayna caadi ahaan qaadataa in ka yar 10 daqiiqo.
Marka aad joogto kiliniigga ama rugta caafimaadka waxaan hubin doonnaa macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, waxaan kuu sharxi doonnaa sawiraadda ama iskaanka waxaanan fursad kuu siin doonnaa in aad su’aalo na weydiiso.
Waxaan kuu sheegi doonnaa in aad jiifsato oo aad sare u qaaddo ama badhannada ka furto shaarkaaga. Uma baahan doontid in aad dharka iska saarto. Waxaan calooshaada dul saari doonnaa saliid ama dareere qabow.
Waxaan ka dib haraggaaga dul siib siibi doonnaa qalabka lagu dareemo sawiraadda. Sawiraadda waxaa ka muuqan doona sawirka halbowlaha ugu weyn oo shaashad ku yaalla waanan cabbiri doonnaa.
Waxaan islamarkaaba adiga kuu sheegi doonnaa natiijadaada waxaanan weliba nuqul u diri doonnaa xafiiska Takhtarkaaga Guud (GP).
9. Natiijooyinka suurogalka ah ee baarista
Waxaa suurogal ah 4 natiijo:
-
lama helin barar xidid
-
barar xidid oo yar
-
barar xidid oo meeldhexaad ah
-
barar xidid oo weyn
9.1 Lama helin barar xidid
Haddii halbowlahaaga ugu weyn uu ballaarkiisu ka yar yahay 3 cm, waxay tani ka dhigan tahay in aadan lahayn barar xidid. Ragga intooda ugu badan ayaa natiijadan hela. Ka dib daawayn ama la socod looma baahna. Annagu adiga mar kale kuguma marti qaadi doonno baarista AAA.
9.2 Barar xidid oo yar
Haddii halbowlahaaga ugu weyn ballaarkiisu u dhexeeyo 3 cm iyo 4.4 cm, waxaad leedahay barar xidid oo yar. Ragga leh barar xidid oo yar waxaan mar kale ku marti qaadnaa sawiraadyo ama iskaanno 12kii biloodba mar si aan u eegno haddii uu weynaanayo.
9.3 Barar xidid oo meeldhexaad ah
Haddii halbowlahaaga ugu weyn ballaarkiisu u dhexeeyo 4.5 cm iyo 5.4 cm, waxaad leedahay barar xidid oo meeldhexaad ah. Ragga leh barar xidid oo meeldhexaad ah waxaan mar kale ku marti qaadnaa sawiraadyo ama iskaanno 3dii biloodba mar si aan u eegno haddii uu weynaanayo.
9.4 Barar xidid oo weyn
Haddii halbowlahaaga ugu weyn ballaarkiisu yahay 5.5 cm ama ka weyn yahay, waxaad leedahay barar xidid oo weyn. Qiyaas ahaan 1,000kii ragba 1 inta baaris laga qaado ayaa leh barar xidid oo weyn. Ragga leh barar xidid oo weyn waxaan ballan uga dhignaa koox takhasus leh si looga qaado sawiraadyo dheeraad ah oo loogala hadlo daawaynta suurogalka ah, caadi ahaan qalliin.
10. La socodka barar xidid oo yar ama meeldhexaad ah
Haddii aad leedahay barar xidid oo yar ama meeldhexaad ah uma baahan doontid daawayn waqtigan. Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in lala socdo qiyaasta bararka xidid maxaa yeelay waxaad u baahan kartaa daawayn haddii uu intaas ka weynaado. Bararrada xidid intooda ugu badan si aayar badan ayay u weynaadaan, markaa rag badan oo leh barar xidid oo yar ama meeldhexaad ah weligood uma baahan doonaan daawayn.
Waxaan adiga kugu marti qaadi doonnaa in aad sawiraadyada ama iskaanyada u soo noqoto sanad walba haddii aad leedahay barar xidid oo yar ama 3dii biloodba mar haddii aad leedahay barar xidid oo meeldhexaad ah.
Waxaan adiga ku siin doonnaa talo ku saabsan sida aad iskaga yaraynayso halista in bararka xidid uu intaas ka weynaado. Xafiiska Takhtarkaaga Guud ayaa weliba laga yaabaa in uu rabo in uu ku siiyo kiniinno ama dib u eego daawooyinka aad hadda qaadato. Waxaa weliba laga yaabaa in ay rabaan in ay hubiyaan cadaadiskaaga dhiigga.
11. Daawaynta barar xidid oo weyn
Haddii aan helno barar xidid oo weyn, waxaan adiga kuu gudbin doonnaa koox takhasus leh. Waxay iyagu qaban doonaan baaritaanno dheeraad ah oo takhasusle ayaa adiga kaala hadli doona daawaynta suurogalka ah. Tani caadi ahaan waa qalliin, caadi ahaan lagu qorsheeyo xoogaa toddobaad gudahood haddii aad go’aansato in aad rabto.
Muddada aanan weli la daawaynin bararka weyn ee halbowlaha ee AAA, waxaa laga yaabaa in aad u baahato in aad joojiso baabuur wadista oo aad hubiso caymiska la xiriira caafimaadka, sida caymiska safarka.
Waxaa caadi ahaan waxtar badan daawaynta lagu sameeyo bararrada xidid ee baaris lagu helo. Daawayntu haliso ayay leedahay kuwaasoo uu takhasusluhu si faahfaahsan kuugu sharxi doono.
Qalliin laguma samayn doono qof walboo leh barar xidid oo weyn.
12. Halisaha ka yimaadda baarista
Ma jirto halis ka timaadda sawiraadda laftigeeda.
Hase yeeshee, qiyaas ahaan 10,000kii ragba 41 inta la baaro ayaa aakhirka heli doona qalliin si loo hagaajiyo bararka xidid. Isku celcelis, 41kan rag 1 ka mid ah ayaanan ka badbaadi doonin qalliinka laakiin waxaa laga yaabaa in bararkooda xidid uusan marnaba qarxeen haddii aanan la daawaynin.
Baaristu gebi ahaan meesha kama saarto halista in bararka xidiid uu qarxo laakiin waa habka ugu fiican ee la iskaga ilaaliyo ama looga badbaado xaaladdan.
13. Xaaladaha kalee caafimaadka
Baarista waxaa loo sameeyaa uun si loo eego haddii aad leedahay bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha. Laguma raadiyo xaalado kaloo caafimaad. Haddii aad ka walwal qabto dhibaato caafimaad waa in aad la hadasho xafiiska Takhtarkaaga Guud.
14. Saxnaanta baaritaanka lagu sameeyo baarista
Waxaa in badan lagu kalsoonaan karaa iskaanka ama sawiraadda la isticmaalo si loo soo helo bararrada xidid. Ma jiro baaritaan lagu sameeyo baaris oo gebi ahaan waxtar leh laakiin waxaa aad dhif u ah in nin uu ka soo baxo barar xidid oo weyn haddii baarista lagu heli waayo barar xidid.
Mararka qaar qofka sawiraadda samaynaya waxaa u suurtogeli weyda in ay si cad u arkaan halbowlaha ugu weyn. Tani walwal ma leh waxayna adiga ku weydiin doonaan in aad iska qaaddo sawiraad kale, caadi ahaan maalin kale.
15. Sir ilaalinta
Barnaamijyada baarista adeegga NHS waxay isticmaalaan macluumaad shakhsi ahaaneed oo ka yimaadda diiwaannadaada NHS si adiga kuugu marti qaadaan baarista waqtiga habboon. Adeegga NHS England ayaa weliba isticmaala macluumaadkaaga si uu u hubiyo in aad hesho daryeel tayo sarreeya oo uu u wanaajiyo barnaamijyada baarista. Hel war dheeraad ah oo ku saabsan sida loo isticmaalo ee loo ilaaliyo macluumaadkaaga, iyo fursadahaaga.
16. Macluumaad dheeraad ah
Haddii adiga lagugu marti qaaday baarista, lambarka telefoonka adeegga baarista ee xaafaddaada ama degaankaaga ayaa ku yaalla warqaddaada ballanta.
Soo hel macluumaadka xiriirka adeegga baarista AAA ee xaafaddaada.
Hay’adda Circulation Foundation (Hay’adda Wareegga) iyo hay’adda British Heart Foundation (Hay’adda Wadnaha Ingiriiska) ayaa taageera dadka qaba cudurrada xidiiddada iyo halbowleyaasha, oo loo yaqaanno cudurrada xidideed, oo ay ka mid yihiin bararrada halbowlaha ugu weyn ee calooshu.
Waxaad weliba la hadli kartaa xafiiska Takhtarkaaga Guud.
Soo ogow sida la iskaga reebo ama looga baxo baarista.