Agab xayeysiis

Baaritaanka kansarka mindhicirka ee NHS: kaa caawinta inaad go’aan gaarto (Somali)

La cusboonaysiiyay 22 July 2024

Applies to England

Waxaad dooran kartaa inaad ka qaybqaadato baaritaanka kansarka mindhicirka. Buug-yarahaan waxay ujeedadiisu tahay inuu kaa caawiyo inaad go’aan gaarto.

1. Waa maxay sababta NHS ay u bixiso baaritaanka kansarka mindhicirka

Waxaan u bixinaa baaritaanka si aan isugu dayno oo aan u helno calaamadaha kansarka mindhicirka inta lagu jiro marxaladda hore inta aysan soo bixin wax astaamo ah. Taasi waa marka daaweyntu ay noqon karto mid waxtar leh.

Mararka qaar unugyada mindhicirka ayaa si degdeg ah u kora oo waxay sameeyaan Buro loo yaqaan malax-ku-jireenka mindhicirka. Burooyinka maaha kansar laakiin waxay isu rogi karaan kansar muddo kadib. Haddii la helo burooyinka waxay la macno tahay in la saari karo.

Baaritaanka joogtada ahi waxa ay yaraynaysaa khatarta ah inuu kugu dhaco oo aad u dhimato kansarka mindhicirka.

2. Yaan ku martiqaadnaa baaritaanka kansarka mindhicirka

Waxaan dadka da’doodu u dhaxayso 54 ilaa 74 sano ku martiqaadnaa baaritaanka kansarka mindhicirka labadii sanaba mar. Waxaan u dirnaa xirmada/qalabka baaritaanka kansarka mindhicirka ee lagu isticmaali karo guriga. Barnaamijka si tartiib-tartiib ah ayuu u balaarmayaa si loo gaarsiiyo dadka u qalma ee da’doodu tahay 50 iyo wixii ka weyn.

Waa inaad ka diiwaan gashan tahay GP oo aadna ku nooshahay England si laguugu martiqaado. Xarunta GP-gaaga ayaa na siinaysa macluumaadka lagaala soo xiriiro. Fadlan xaqiiji inay hayaan tafaasiisha saxda ah, oo ay ka mid yihiin:

  • magaca
  • Taariikhda Dhalashada
  • cinwaanka guriga
  • lambarka taleefanka
  • cinwaanka iimaylka.

Haddii aad 75 jir tahay ama ka weyn tahay, weli waxaad ka qaybqaadan kartaa baaritaanka kansarka mindhicirka labadii sanaba mar, laakiin laguguma casuumi doono. Khadka caawimada ee bilaashka ah ka wac 0800 707 60 60.

3. Kansarka mindhicirka

Mindhicirku waa qayb ka mid ah hab-dhiskaaga dheefshiidka. Wuxuu qaadaa nafaqooyinka iyo biyaha laga helo cuntada wuxuuna wixii dheefshiidka ka soo hara u bedelaa saxaro. Sida hoos lagu muujiyay, xiidanka iyo malawadka ayaa ka kooban mindhicirka weyn.

Kansarka mindhicirku waa kansar laga helo meel ka mid ah xiidmaha weyn. Waxaana ku jira xiidanka iyo malawadka.

Xiidanka iyo malawadka waxay ka kooban yihiin mindhicirka weyn waxayna qayb ka yihiin habdhiska dheefshiidka.

4. Sida baaritaanka kansarka mindhicirku u shaqeeyo

Qoraalka casuumaada ayaa ku siin doona macluumaad ku saabsan baaritaanka kansarka mindhicirka.

Waxaan kuu soo diri doonaa xirmada/qalabka baaritaanka ee lagu isticmaali karo guriga, oo loo yaqaano baaritaanka difaaca jirka ee saxarada (FIT). Waxaad qalabkan u isticmaalaysaa inaad ku uruuriso muunad yar oo saxaro ah waxaadna u diraysaa shaybaar. Shaybaarku waxa uu muunada ka eegayaa xaddi yar oo dhiig ah. Taasina waxaa lagu sababeeyaa in burooyinka iyo kansarka mindhicirka ay mararka qaarkood dhiig baxaan. Intaas ka dib, dadka intooda badan uma baahan doonaan baaritaan dheeraad ah.

Haddii aan dhiig ka helno muunada saxarada, waxaa laga yaabaa inaad u baahato baaritaanno dheeraad ah si ay nooga caawiyaan inaan ogaano waxa sababay dhiigga. Waxaan kuu qaban doonaa ballan aan kaagala hadlayno in lagugu sameeyo baaritaanka mindhicirka. Baaritaanka mindhicirka waa baaritaan lagu eegayo gudaha mindhicirkaaga.

5. Isticmaalka qalabka baaritaanka ee lagu isticmaalo guriga

Si aad u samayso baaritaanka, waxaad u baahan tahay inaad uruuriso xaddi yar oo saxaradaada ah adigoo isticmaalaya qalabka. Fadlan isticmaal weel nadiif ah oo isticmaalka kadib la tuuri karo si aad u qaado muunaddaada. Waxaad markaas kadib muunaddan ku soo direysaa boostada si baaritaan loogu sameeyo. Qalabka waxaa ku jira baakad boosto oo lacagteeda horay loo bixiyay iyo tilmaamo dhamaystiran.

Marka aanu hubino muunadaada, waxaanu diiwaangelinaynaa natiijada waxaana baabi’inaynaa qalabka baaritaanka iyo waxa ku jira.

Haddii aad wax su’aalo ah qabtid, fadlan khadkeena caawinta ee bilaashka ah ka wac 0800 707 60 60. Waxaana ka mid ah haddii aad:

  • u baahan tahay in lagaa caawiyo samaynta baaritaanka
  • aadan hubin haddii ay tahay inaad isticmaasho, tusaale ahaan, haddii lagugu soo sameeyay qaliin
  • qabto bacda stoomada (bacda qofka loo geliyo kadib marka caloosha qalliin looga sameeyo) oo aadna u baahan tahay talo.

Waxaa fiican in aad iska qaado muunadda marka aadan qabin caado. Ka fogow 2-da maalmood ee ka horeysa ama ka dambaysa dhiig baxa.

Kani waa sawirka qalabka baaritaanka ee lagu isticmaalo guriga. Tilmaamaha isticmaalka xirmada/qalabka waxay ku dhex jiraan baakada.

6. Natiijooyinka baaritaanka kansarka mindhicirka

Waa inaad natiijadaada ku heshaa 2 toddobaad gudahooda kadib markaad muunadaada soo dirto. Waxaa jira 2 natiijooyin oo suurtagal ah inay soo baxaan:

  • Wax baaritaano dheeraad ah looma baahna wakhtigan
  • Baaritaano dheeraad ah ayaa loo baahan yahay.

6.1 Wax baaritaano dheeraad ah looma baahna wakhtigan

Dadka intooda badan (qiyaastii 98 ka mid ah 100kii qofba) waxay helaan natiijadan.

Waxay la macno tahay in aanaan wax dhiig ah ka helin muunadaada, ama in laga helay kaliya qadar yar oo ka yar heerka loogu talagalay baaritaanka.

Waxaan ku siin doonaa baaritaanka kansarka mindhicirka mar labaad 2 sano gudahood haddii aad ka yar tahay da’da 75.

Natiijadani ma dammaanad qaadayso inaadan qabin kansarka mindhicirka. Kansarka mindhicirka ayaa wali kugu dhici karaa mustaqbalka. U tag GP-ga haddii aad qabto ama aad isku aragto astaamaha kansarka mindhicirka.

6.2 Baaritaano dheeraad ah ayaa loo baahan yahay.

Qiyaastii 2 ka mid ah 100kii qof ayaa hela natiijadan.

Waxa ay la macno tahay in aanu saxaradaada ka helnay xadi dhiig ah oo ka sareeya heerka loogu talagalay baaritaanka. Taas waxaa sidoo kale loo yaqaan xaddi/cabbir.

Waxyaabo dhowr ah ayaa sababi kara in saxarada ay dhiig yeelato. Waxaan ku siin doonaa ballan si lagaagala hadlo qaadashada baaritaanka mindhicirka si loo hubiyo sababta keentay dhiiga.

Baaritaanka mindhicirka waa baaritaan lagu hubinayo gudaha mindhicirkaaga.  Macluumaad badan oo ku saabsan baaritaanka mindhicirka ka eeg NHS.UK.

7. Khatarta suurtagalka ah ee kala dhalan kara baaritaanka kansarka mindhicirka

Ma jiro baaritaan 100% lagu kalsoonaan karo.

Waxaa dhici karta in baaritaanka kansarka mindhicirka lagu seego buro ama kansar. Tani waxay dhici kartaa marka burooyinka ama kansarku aanu dhiigbax lahayn markaad isticmaashid qalabka baaritaanka ee lagu isticmaalo guriga. 

Dadka intooda badan uma baahan doonaan baaritaanno dheeraad ah. Haddii aad u baahato, waxaa jirta khatar yar oo ah in baaritaanka mindhicirka uu waxyeello gaarsiiyo mindhicirkaaga, laakiin taasi waa naadir. Waxaad heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo kaa caawin doona inaad go’aan gaarto marka aad yeelato ballan lagaagala hadlayo baaritaanka mindhicirka.

8. Astaamaha kansarka mindhicirka

Astaamaha kansarka mindhicirka waxaa ka mid noqon kara:

  • isbeddello ku dhaca saxaradaada, sida inaad yeelato saxaro jilicsan, shuban ama calool-istaag oo aadan u baran
  • inaad u baahato in aad saxarooto in ka badan ama ka yar intii caadiga kuu ahayd
  • dhiig ku jira saxaradaada, kaas oo u ekaan kara casaan ama madow
  • dhiigbax ku dhaxa dabadaada/xagaaga hoose
  • inaad inta badan dareento inaad u baahan tahay inaad saxarooto, xitaa haddii aad dhowaan uun tagtay musqusha
  • calool xanuun.
  • buro ka soo baxda calooshaada
  • barar
  • in culayska/miisaan kaa lumo adigoon isku dayin
  • inaad dareento daal badan, tusaale ahaan sabab la xiriirta unugyada dhiigga cas oo ka hooseeya heerka caadiga ah (dhiig-yari).

Astaamahan kama dhigna in aad qabtid kansarka mindhicirka. Haddii aad qabtid mid ka mid ah astaamahan ilaa 3 toddobaad ama muddo ka badan, fadlan la hadal GP-gaaga. Waa muhiim inaad sidaas sameyso xitaa haddii dhawaan lagugu sameeyay baaritaanka kansarka mindhicirka.

9. Yaa u badan inuu ku dhaco kansarka mindhicirka

Waxaa laga yaabaa inaad aad ugu dhowdahay inuu kugu dhaco kansarka mindhicirka haddii:

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo yareeyo halista kansarka mindhicirka ka hel NHS.UK.

10. Macluumaad iyo taageero dheeraad ah

Si aad u hesho wixii talo ah ee ku saabsan baaritaanka kansarka mindhicirka, waxaad khadkeena caawinta ee bilaashka ah ka wici kartaa 0800 707 60 60.

Haddii aad qabto dhibaatooyin xagga maqalka ama hadalka ah, waxaad isticmaali kartaa adeegga Relay UK si aad noogala soo xiriirto. Garaac 18001 kadibna 0800 707 60 60 adigoo isticmaalaya taleefankaaga qoraalka ama isticmaal ablikeeshinka Relay UK.

Macluumaadkan waxa lagu heli karaa qaabab kale, oo ay ku jiraan akhriska fudud iyo luuqado kale. Si aad u codsato macluumaadkan oo qaab kale ah, waxaad wici kartaa 0300 311 22 33 ama iimayl u diri kartaa england.contactus@nhs.net.

Waxaad sidoo kale:

Waxaan isticmaalnaa macluumaadka shakhsiyeed ee ku jira diiwaanadaada NHS si aan kuugu martiqaadno baaritaanka wakhtiga saxda ah. Macluumaadkani wuxuu naga caawinayaa inaan horumarino barnaamijyada baaritaanka iyo inaan bixino daryeel tayo leh. Akhri wax badan oo ku saabsan sida aanu u isticmaalno oo aan u ilaalino macluumaadkaaga.

Wax ka ogow sida looga baxo xulashada baaritaanka.