Tilmaam

Baaritaanka afka ilmo-galeenka: casuumaada (Somali)

Daabacaada 19 June 2024

Applies to England

Waxa aanu warqaddan kuugu soo qoraynaa in aanu kugu martiqaadno baaritaanka afka ilmo-galeenka ee NHS (oo hore loogu yaqiinay ‘smear test’). Waxaan baaritaanka siinaa dhammaan haweenka iyo dadka qaba afka ilmo-galeenka ee da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 64. Baaritaanku waxa uu gacan ka gaysanayaa ka hortagga kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka iyo in la badbaadiyo nolal. 

1. Sida loo qabsado ballanta baaritaanka afka ilmo-galeenka 

Haddii hore lagugu casuumay ama aad seegtay baaritaankaagii u dambeeyay ee afka ilmo-galeenka, weli kama daahin. 

Haddii aad dhawaan ka qaybgashay baaritaanka afka ilmo-galeenka, uma baahnid inaad qabsato ballan kale.  

2. Xog ku saabsan baaritaanka afka ilmo-galeenka  

Ku dhawaad dhammaan kansarada ku dhaca ilma-mareenka waxaa sababa caabuq ka yimaada noocyada khatarta sare leh ee ‘papillomavirus’ (HPV). Baaritaanka afka ilmo-galeenka waxaa lagu hubiyaa jiritaanka HPV-ga khatarta sare leh. Haddii aan muunadaada baaritaanka ka helno HPV, waxaanu eegi doonaa isbedelada aan caadiga ahayn ee unugyada. Helitaanka iyo daawaynta isbeddel kasta wakhti hore waxay ka hortagi kartaa inta badan kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka.   

Waa inaad tixgelisaa samaynta baaritaanka afka ilmo-galeenka iyadoon loo eegayn jihadaada galmo, taariikhdaada galmo ama haddii aad qaadatay tallaalka HPV.  

Baaritaanku wuxuu qaadanayaa dhowr daqiiqo oo keliya, waxaadna codsan kartaa kalkaaliye ama dhakhtar dumar ah. Waxay kuu sheegi doonaan goorta aad filan karto natiijadaada, sidaas darteed fadlan xaqiiji in faahfaahinta lagaala soo xiriiri karo aad ka cusboonaysiiso xarunta GP-gaaga ama rugta caafimaadka galmada. 

3. Macluumaad dheeraad ah 

Wax badan ka ogow  Barnaamijka baaritaanka afka ilmo-galeenka ee NHS adigoo ka eegaya websaydka NHS. Fadlan akhri buug-yaraha ‘Kaa caawinta go’aan gaarista’ kaas oo sidoo kale la heli karo isagoo ah qaabka akhriska fudud.   

Haddii aad dareento walaac oo aad u baahan tahay taageero si aad u qaadatid baaritaanka afka ilmo-galeenka, fadlan akhri hagaha ‘Taageerada loogu talagalay dadka ay ku adagtahay inay ka qaybgalaan’. 

Si aad u codsato macluumaadkan oo qaab kale ah, wac 0300 311 22 33 ama iimayl u dir england.contactus@nhs.net.  

4. Astaamaha kansarka ilmo-galeenka  

Haddii aad qabto astaamo aan caadi ahayn, fadlan u sheeg GP-gaaga ama rugta caafimaadka galmada sida ugu dhakhsaha badan. Astaamahaas waxaa ka mid noqon kara: 

  • dhiig-bax xubinta taranka ah oo aan caadi kuu ahayn – dhiigbax dhaca inta lagu jiro ama kadib galmada, inta u dhaxaysa xilliyada caadadaada, kadib joogsiga caadada ama caado ka culus sidii caadiga ahayd  
  • xanuun aad dareento xiliga galmada 
  • isbedel ku yimaada dheecaanka xubinta taranka 
  • xanuun aad ka dareento dhabarkaaga hoose, inta u dhaxaysa lafaha miskahaaga (misigta), ama calooshaada hoose.   

Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan baaritaanka afka ilmo-galeenka, fadlan kala hadal GP-gaaga ama kalkaalisada rugta caafimaadka. 

Daacad kuu ah,   

Barnaamijka NHS ee Baaritaanka Afka Ilmo-galeenka