Tilmaam

Baaritaanka SCID: waxaan kaa caawineynaa in aad go'aansato in aad u baahan tahay in aad ilmahaaga u sameyso iyo in kale

La cusboonaysiiyay 8 April 2022

Applies to England

Hay’adda Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) waxay sameysay buug-yarahaan iyada oo ka wakiil ah NHS. Macluumaadkan, weedha ‘annaga’ waxay ujeedaa adeegga NHS ee bixiya baaritaanka.

NHS-ta waxay tixgelineysaa in ay hirgeliso baaritaanka yaraanshaha aadka ah ee difaaca jirka oo wadajirka ah (SCID). SCID ayaa ka dhigeysa mid adag in lala dagaalamo caabuqyada sida pneumonia iyo maninjiitada. Baaritaanka waxuu ka caawinayaa in la helo lana daaweeyo waqti sii horeeya dhallaanka ay xaaladahan haystaan

Ka dib ilaa iyo da’da 3 bilood jir caabuqyada ayaa ahaan kara kuwo halis ku ah nolosha caruurta qaba SCID. Haddii aan la daaweyn badanaa ma badbaadaan wax ka badan hal sano.

Waxaa suurtagal ah in aad maqashey dhallaanka qaba SCID in ay ku noolaanayaan ‘goobo’ si caabuqyada looga fogaado. Ilaa iyo 14 dhallaan oo ku dhasha England sanadkii ayaa ay ku dhici doontaa SCID.

Baaritaanka dhallaankaaga

NHS-ta waxay u yaboohdaa dhallaanka dhowaan dhashey baaritaanka dhibcaha dhiiga (iyada oo laga durayo ciribta si dhiig looga qaado) marka dhallaanku 5 maamood jir yahay. Waxaa ay baartaa 9 cudur oo naadir ah balse ah xaalado halis ah, oo ay ku jiraan cudurka sickle cell iyo cystic fibrosis.

Badanka dhallaanka ma lahaan doonaan mid ka mid ah xaaladahan. Kuwa xaaladahan leh, in horey baaritaan loogu ogaado ayaa aad muhiim u ah. Horey oo loo daaweeyo ayaa ka joojin karta dhallaanka in uu aad u naafoobo ama naftooda ayeyba badbaadin kartaa.

Waxaa lagu siiyey Baaritaan adiga iyo dhallaankaaga macluumaad kaa caawin kara in aad dhallaankaaga u sameyso go’aan aqoon ku dhisan.

‎## Muunad isku mid ah

Baaritaanka SCID wuxuu isticmaalaa isla dhiiga ciribta laga qaadey. Muunad dhiig oo dheeraad ah caadi ahaan lama qaadayo. Dhallaanka dhiciska ah waxaa dhici karta in uu u baahan yahay baaritana labaad sababta oo ah nidaamka difaacooda ayaa weli sameysmaya.

Haddii baaritaankan, iyada oo isticmaalayo jab yar oo DNA-ga ah, uu muujiyo in ilmahaaga uu leeyahay in ka yar intii caadiga ahayd oo unugyada dhiiga cad, waxay noqon kartaa calaamad in ay qabaan SCID. Unugyada dhiiga cad waa muhiim sababta oo ah waxay ka ilaaliyaan caabuqyada.

Qiimeynta baaritaanka SCID

Waxaan isbitaalada qaarkood ku yaboohnaa baaritaanka SCID si aan u aragno sida England oo dhan looga sameyn karo. Isbitaalkaagu waa ka mid sidaa darteed ayaana laguugu yaboohey.

Adiga ayaa ikhtiyaar u leh haddii uu dhalaankaagu qaadanayo ama haddii uusan qaadaneyn baaritaanka SCID.

Haddii aad go’aansatid in dhallaankaaga uu baaritaanka maro, macluumaadkaaga waxaan u isticmaaleynaa iyada oo qeyb ka ah qiimeynta. Haddii aad go’aansatid in dhallaankaaga uusan baaritaanka marin, waxaan weli dhallaankaaga ka baari karnaa 9 xaaladood oo kale oo dhammaan laga heli karo dhiiga dhibcaha laga qaado dhallaanka dhowaan dhasha.

Natiijooyinka SCID

Natiijada ay yar tahay in laga helo

Badanka dhallaanka waxaa laga heli doonaa natiijada ay fursada helitaanku yar tahay, taa oo macnaheedu yahay in aysan u badneyn in ay qabaan SCID. Waalidiinta waxaa ay helayaan natiijada marka dhallaanku jiro 6 toddobaad.

Natiijada ay badan tahay in laga helo

Natiijada fursada ka sareysa waxay ka dhigan tahay in ay u badan tahay, in kasta oo aan la hubin, in ilmahaagu yeelan doono xaaladda.

Waxaan qiyaaseynaa in aysan ka badan doonin 1 ilme 1,500 dhallaan ahba in laga helo natiijada fursada SCID ku badan tahay.

Waxaa lagugula soo xiriir doonaa maalmo yar gudahood waxaana lagugu casuumi doonaa in aad aragto koox ku takhasustey haddii dhallaankaaga laga helo natiijada fursadu ku badan tahay. Waxaa laguu yaboohi doonaa baaritaanka ogaanshaha ee dhallaankaaga (baaritaan dhiiga ah).

Baaritaanka ogaanshaha waxaa uu sheegayaa haddii dhallaankaagu:

*uusan qabin cudurka DCID ama xaalad kale, isbitaalkana laga saari karo *uu qabo cudurka SCID *uu qabo xaalad kale oo saameyneysa nidaamka difaaca

Mid ka mid ah qiimeynta SCID ayaa ah in la helo tirada dhallaanka ah ee ku jirta mid kasta oo ka mid ah kooxahan 3-da ah.

Tallaalka BCG

Waalidiinta qaarkood ayaa loo yaboohi doonaa tallaalka BCG in la siiyo dhallaankooda. Xarunta BCG ayaa hubin doonta natiijada baaritaanka SCID ee dhallaankaaga ka hor inta aan la siinin. Arintan sababteedu waa in daaweynta SCID ay adkaaneyso haddii dhallaanka la siiyey tallaalka BCG.

Tallaalka BCG waxaa la yaboohi doonaa haddii ay badbaado u tahay dhallaankaaga in uu qaato.

Daaweynta

Daaweynta SCID ayaa u badaneysa in lagu guuleysto haddii horey loo bilaabo, ee aan la sugin inta dallaanku ka jiranayo. Haddii baaritaanadu ay muujiyaan in dhallaankaagu uu qabo SCID, beeritaanka dhuuxa lafta ayaa hagaajin kara difaaca jirkooda ee caabuqa. Noocyada qaar ee SCID ayaa ku ladnaan kara daaweynta hidda-wadaha. Arintani waxay ku lug leedahay in lagu beddelo hiddo-wadaha aan caafimaadka qabin ee jirka ilmahaaga mid caafimaad qaba.

Cilmi-baaris

Waxaa suurtagal ah in lagu weydiiyo ama laguula soo xiriiro si aad qeyb uga qaadatid cilmi-baaris la xiriirta baaritaanka SCID Fadllan u sheeg umulisadaada haddii aad dooneysid in aad ka qeybqaadato iyo haddii aadan dooneyn. Si buuxda ayey adiga kuugu xiran tahay, wax saameyn ahna kuma yeelaneyso daryeelkaaga.

Wax dheeraad ah ka ogow sida macluumaadkaaga loo isticmaalo loona xifdiyo, iyo xulashooyinkaaga.

Macluumaad dheeraad ah

Waxaad soo booqan kartaa website-ka NHS-ta kaas oo haya macluumaad dheerada ah si loogu caawiyo dadka loo yaboohey baaritaanka SCID. Waxaad sidoo kale kala hadli kartaa umulisadaada ama Dhahtarkaaga Cudurada Guud.