Muunada dhiigga
La cusboonaysiiyay 18 December 2024
Baaritaanka dhiiga ayaa waxaa soo jeediyey NHS.
1. Ujeedada baaritaanka
Si aad u ogaato haddii ilmahaagu uu qabo mid ka mid ah 9ka xaaladood oo caafimaad darada halista ah, laakiin dhif dhifka ah.
Daawayn waqti horeba ah waxay hagaajin kartaa caafimaadka ilmahaaga kana hortagi karaa curyaannimo aad u daran amaba dhimashaba. Haddii adiga, aabaha ilmaha, ama xubin qoyska ka mid ah uu qabo mid ka mid ah xaaladahaan, fadlan u sheeg xirfadlaha caafimaadkaaga isla markiiba.
2. Ku saabsan xaaladahan
2.1 Cudurka Sickle cell
Qiyaastii 1 ee 2,800-kiiba oo carruur ah oo ku dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay qabaan cudurka sickle cell (SCD). Kuwaasi waa cuduro dhiiga ah oo la kala dhaxlo oo khatar ah Waxay saameeyaan haemoglobin, qayb ka mid ah dhiigga ee u kala qaada ogsijiin qaybaha jirka. Carruurta qaba SCD waxay u baahan doonaan daryeel takhasus gaar ah inta ay nool yihiin.
Dadka qaba SCD waxaa ku dhici kara weerar xanuun aad u daran, cudurro nafta halis ku ah iyagoo caadiyan ah anaemic (jirkooda waxaa ku adag qaaditaanka ogsijiinka). Ilmaha qaba SCD waxay heli karaan daawayn waqti horeba ah, ay ku jirto tallaalid iyo antibiyootiik, taasoo, ay weheliso caawinta waalidkooda, ka caawinaysa ka hortagga cudurro aad u dardarn una oggolaanaysa ilmaha inuu ku noolaado nolol caafimaad leh.
2.2 Cudurka Cystic fibrosis
Qiyaastii 1 ee 2,500 ilmo ku dhashay waddanka UK waxaa ku dhaca cystic fibrosis (CF). Xaaladdan la kala dhaxlo waxay saamaysaa dheefshiidka sambabada. Carruurta qaba CF waxaa laga yaabaa inaan mar dambe si fiican culeys u yeelan oo badanaa ay yeeshaan infekshannada laabta. Ilmaha qaba CF waa la daawayn karaa waqti horeba iyadoo la siinayo cunto leh tamar-saraysa -high-energy, daawooyin iyo ku-daawayn jismiyeed- physiotherapy. Inkastoo carruurta qaba CF ay wali xanuunsan karaan, daaweyn hore ayaa ka caawin karta inay noolaadaan waqti dheer, nolol caafimaad leh.
2.3 Cudurka Yeraanshaha Throxinka
Qiyaastii 1 ee 2,000-kiiba oo ilmood oo ku dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay qabaan cudurka hypothyroidism (CHT). Ilmaha qaba CHT ma haystaan in ku filan oo hoormoonka hormone thyroxine. La’aanta hoormoonka thyroxine ilmuhu uma korayaan si fiican waxaana ku dhici kara dhibaatooyin jismi aad u daran oo joogto ah iyo kala-dhantaalnaan waxbarasho (learning disabilities).
Ilmaha qaba CHT hore ayaa loo daawayn karaa iyadoo la siinayo kiniiniyada thyroxine iyadoo tani u oggolaanayso inay caadiyan u koraan.
2.4 cudurada dhaxalka ee kiimikaadka dheef-shiid
Waa muhiim inaad u sheegto xirfadlahaaga caafimaad haddii aad qabto taariikh qoys ee xaaladda metabolic. Carruurta waxaa laga baaraa 6 cudurada kiimikaadka dheef-shiid ah ee la iska dhaxlo (IMDs).
Waxayna yihiin:
- phenylketonuria (PKU)
- medium-chain acyl-CoA dehydrogenase deficiency (MCADD)
- cudurka kaadida maple syrup (MSUD)
- isovaleric acidaemia (IVA)
- glutaric aciduria nooceeda 1 (GA1)
- homocystinuria (pyridoxine unresponsive) (HCU)
Qiyaastii 1 ee 10,000 ilmo ku dhashay waddanka UK waxaa ku dhaca PKU or MCADD. Xaaladahani waa kuwo dhif ah, waxayna ku dhacaan 1 ee 150,000-kiiba carruurta ah ilaa 1 ee 300,000-kiiba ah.
Ilmaha qaba xaaladahan la kala dhaxlo ma dheefshiidi karaan qaabab cuntada ku jira. Daawayn la’aanta ilmaha qaba xaaladahan waxay ku keeni kartaa xanuun degdeg ah oo aad u daran. Calaamadaha xaaladaha waa kala duwan yihiin; qaar waxay ahaan karaan kuwa nolosha khatar ku ah ama keeni karaan samaysanka dhibaatooyin aad u daran.
Waxaa dhammaantood lagu daawayn karaa cunto si taxadar leh loo miisaamay cunideeda, taasoo ku kala duwan xaalad kasta iyadoo lagu dari karo daawooyin dheeraad ah.
3. Tijaabada baaritaanka
Marka ilmahaagu 5 maalmood jir yahay, xirfadlaha caafimaadku wuxuu ku duri doonaa ciribta ilmahaaga isagoo isticmaalaya qalab gaar ah si uu muunasad ugu qaado dhibco ah dhiiga. Inta badan tani waxay noqon kartaa wax ka yar 5 maalmood. Aaladda dhiiga lagu qaadayo ma laga heli karo iyadoo ilmahaagu uu ooyi karo. Waxaad ku caawin kartaa adigoo xaqiijinaya inay diiranaadaan oo ay caadi yihiin, adigoo haynaya oo quudinaya.
Mararka qaar, baaritaan dhibic dhiig labaad ayaa mar kale loo baahdaa, haddii ay sidaas dhacdana sababta waa la sharaxaa. Haddii ay sidaas tahay, sababtu waa la sharxi doonaa. Macnaheedu ma ahan in wax ka qaldan yihiin ilmahaaga.
4. Nabadgeliyada baaritaanka
Ma jiraan khataro la ogyahay oo la socda samaynta baaritaankan.
5. Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga
Inaad ilmahaaga ka baarto xaaladahan oo dhan ayaa lagu talinayaa maxaa yeelay waxay badbaadin kartaa nolosha ilmahaaga laakiin ma aha khasab. Waxaad dooran kartaa inaad baaritaan ku sameysid SCD, CF ama CHT si gaar ah laakiin waxaad dooran kartaa oo kaliya inaad baaritaan ku sameyso dhammaan 6da IMDs ama inaad iska wada dhaafto. Haddii aadan rabin in ilmahaagu laga baaro mid ka mid ah xaaladahan ama aad qabto wax walwal ah oo ku saabsan baaritaanka, fadlan la hadal umulisadaada.
Baaritaanka hore ayaa ugu wacan maadaama daaweynta la bilaabi karo sida ugu dhakhsaha badan haddii loo baahdo. Laakiin haddii aad dooratid inaadan is baarin, ilmahaagu wuxuu tijaabada lagu sameyn karaa xilli dambe haddii aad bedesho go’aankaaga. Ilmaha waxaa la baari karaa ilaa 12 bilood da’da iyagoo laga baarayo dhammaan xaaladaha marka laga reebo CF (kaliya ilaa 8 usbuuc).
6. Natiijooyinka soo bixi kara
Inta badan ilmaha waxay heli doonaan maxsuullo caadi ah, taasoo muujinaysa inay yar tahay inay qabaan mid ka mid ah xaaladahan. Tiro yar oo ilmaha ah ayaa laga helaa inay qabaan mid ka mid ah xaaladahan. Tani macnaheedu ma ahan inay qabaan xaaladda laakiin waxay u badan tahay inay ku dhacdo. Waxaa loo gudbin doonaa dhakhtar takhasus, baaritaan dheeraad ah.
Baaritaanka cystic fibrosis waxaa lagu helaa qaar carruurta ah oo laga yaabo inay yihiin cudur hidde-sidayaal . Ilmahani waxay u baahan karaan baaritaan dheeraad ah. Baaritaanku ma sheego dhammaan cudr-sideyaasha.
Mararka qaar, xaalado caafimaad kale ayaa lagu aqoonsadaa baaritaanka eegidahan. Tusaale ahaan, ilmaha qaba beta thalassaemia major (cudur dhiig aad u daran) ayaa caadiyan la aqoonsadaa. Carruurtani waxay sidoo kale u baahan yihiin in loo gudbiyo daawayn iyo daryeel noloshooda oo dhan abadiyan ah.
Baaritaanka cudurka sickle cell wuxuu sidoo kale helaa ilmaha ah sideyaal dhaxal ee kuwan ama cudurada kale ee dhiigga cas. Uurka aan qaadaaway caafimaad qabaan inkasta oo ay la kulmi karaan dhibaatooyin xaaladaha qaarkood marka jirkooda uusan heli karin oksijiin ku filan, tusaale ahaan, haddii ay ku jiraan suuxdin.
7. Helitaanka natiijooyinkeyga
Waa inaad natiijooyinka ka heshaa xirfadle caafimaad marka ilmuhu jiro 6 toddobaad. Maxsuullada waa in lagu diiwaan geliyaa diiwaanka caafimaadka ilmaha qof ahaaneed (personal child health record (‘buugga cas - red book’). Fadlan tan ku xafid meel ammaan ah adigoo soo qaadanaya ballamaha dambe. Waa lagula soo xiriiri doonaa markiiba haddii loo maleeyo inuu jiro wax dhibaato ah oo ilmahaaga la xidhiidha.
8. Kaarka dhiigga cunuga iyo xogta ka dib baaritaanka
Kadib marka la baaro kaararka dhibicaha dhiigga ayaa la kaydiyaa ugu yaraan 5 sano waxaana loo isticmaali karaa:
- in lagu hubiyo natiijada ama loo isticmaalo baadhitaano kale oo uu soo jeediyey dhakhtarkaaga
- si loo hagaajiyo barnaamijka baaritaanka
- in loo isticmaalo baaritaan lagu caawinayo hagaajinta caafimaadka ilmaha iyo qoysaskooda ee jooga UK
Cilmi baaristani ma aqoonsan doonto ilmahaaga mana lagula soo xariiri doono. Isticmaalidda dhibcahan dhiigga ah waxaa maamula nidaamka anshaxa hawleed ee laga helayo umulisadaada, ama bogga internet-ka.
Waxaa jira fursad yar oo cilmi-baarayaashu ay kugu casuumi karaan adiga iyo ilmahaaga ka qayb qaadashada cilmi-baaris la xiriirta barnaamijka baaritaankan. Haddii aadan doonayn in lagugu casuumo ka qayb qaadashada cilmi-baarista, fadlan la socodsii umulisadaada.
Raadi macluumaad dheeraad ah iyo faahfaahinta kooxaha taageerada on NHS.UK.
9. Ku saabsan buug-yerahan
Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) wuxuu sameeyay buug-yarahaan isagoo ka wakiil ah NHS.