Cudurada Unugyada Cas ee Dhiigga (Sickle cell iyo thalassaemia)
La cusboonaysiiyay 18 December 2024
1. Ujeedada baaritaanka
Si aad u ogaato haddii aad tahay qof wada sickle cell ama thalassaemia oo sidaas darteed laga yaabo inaad u gudbiso ilmaha.
Cudurada Unugyada Cas ee Dhiigga (Sickle cell iyo thalassaemia)
2. Ku saabsan xaaladahan
Cudurka Sickle cell (SCD) iyo thalassaemia waa kuwa aad u daran, cudurro dhiig la kala dhaxlo. Waxay saameeyaan haemoglobin, qayb ka mid ah dhiigga oo u kala qaada ogsijiin qaybaha jirka. Dadka qaba xaaladahan waxay u baahan yihiin daryeel takhasus oo noloshooda oo dhan ah.
Dadka qaba cudurka SCD waxay la kulmi karaan weeraro xanuun aad u daran, waxaa ku dhici kara cudurro aad u daran, oo nolosha khatar ku ah, caadiyana waa anaemic (jirkooda waxaa dhib ku ah hawada ogsijiin u kala gudubkeeda). Ilmaha qaba SCD waxay heli karaan daawayn waqti horeba ah, ay ku jirto tallaalid iyo antibiyootiik, taasoo, ay weheliso caawinta waalidkooda, ka caawinaysa ka hortagga cudurro aad u dardarn una oggolaanaysa ilmaha inuu ku noolaado nolol caafimaad leh.
Dadka qaba thalassaemia waa kuwo xaaladoodu aad u daran tahay waxaana loo baahan yahay in dhiig lagu shubo 3 ilaa 5 asbuuc kasta, iyo duritaan iyo daawooyin oo inta ay nool yihiin ah.
Waxaa sidoo kale jira, kuwa aan u badnayn, khatar yar oo cudurrada haemoglobin ah oo la heli karo. Sickle cell iyo thalassaemia waa cudurro la iska dhaxlo oo ay waalidiintu u gudbiyaan carruurta iyagoo u marinaya unugyo aan caadi ahayn oo haemoglobin ah. Unugyada hiddahu waa astaamo ku jira jirkeena oo arrimaha sida midabka indhaha iyo nooca dhiigga. Unugyada hiduhu waxay u u shaqeeyahaan laba-laba. Wax kasta oo aan dhaxalno waxaan ka helnaa hal unug-hidde oo ka socda hooyada iyo hal ka socda aabaha.
Dadka waxay qabaan oo kaliya SCD ama thalassaemia haddii ay dhaxalaan 2 hide-side oo unugga dhiigga ee aan caadiga ahayn - mid ka mid ah hooyadooda ayay ka helaan iyo mida kalana aabahood. Dadka dhaxla kaliya hal unug-hidde aan caadi ahayn waxaa loo yaqaan ‘sidayaal -carriers’ (dadka qaar waxay tan ugu yeeraan inay qabaan ‘trait’). Sidayaasha way caafimaad qabaan mana qabaan cudurka, in kasta oo la kulmi karaan xaalado dhibaato taasoo jirkoodu uusan helin hawada ogsijiin oo ku filan, tusaale ahaan, inay ku dhacdo anaesthetic.
Haddii labada waalidba ay yihiin sidayaal ilmuhu wuxuu leeyahay:
- 1 ee 4-tiiba (25%) ee ah fursada ah inaan saameynin - ilmuhu ma lahaan doono ama qaadi doono cudur
- 1 ee 4-tiiba (25%) oo ah dhaxalka hide-sidaha ee unugyada aan caadiga ahayn ee hemoglobin iyo jiritaanka cudurka hemoglobin
- 2 ee 4-tiiba (50%) oo ah dhaxalka 1 hide-side ee unugga dhiigga casriga ah iyo ahaanshaha side
Qof kasta wuxuu noqon karaa side cudurka haemoglobin. Hase yeeshee, aad ayay ugu badan tahay dadka faracoodu ka soo jeedo Afrika, Kareebiyaanka, Meditereeniyaan, Hindiya, Bakistaan, Koonfurta iyo Koonfur-Bari Aasiya iyo Bariga Dhexe.
3. Tijaabada baaritaanka
Baaritaanka waqtiga uurka ee sickle cell iyo thalassaemia wuxuu ka kooban yahay samaynta baaritaan dhiig. Waxaa ugu haboon in baaritaanka la sameeyo inta aan uurkaagu gaadhin ka hor 10 usbuuc .
Dhammaan dumarka uurka leh waxaa la siiyaa baaritaan thalassaemia ah laakiin dhammaan dumarka oo idil si otomaatiik ah looma siiyo baaritaanka cudurka sickle cell. Baaritaanka la bixiyo waxay ku xiran tahay halka aad ku nooshahay.
Meelaha uu cudurada hemoglobin ku badan yahay, waxaa lagu siin doonaa tijaabada dhiigga ee SCD. Meelaha laga cudurada hemoglobin ay ku yer yihiin, su’aal-waydiin ayaa loo adeegsadaa si loo ogaado asal qoyseedka hooyada iyo aabaha ilmaha.
Haddii su’aal-sidaha ay muujiyo in labada waalidba ay yihiin sidayaasha cudurka sickle cell, baaritaanka dhiigga ayaa la siiyaa naagta. Waxaad codsan kartaa in lagaa qaado baadhitaanka dhiigga xitaa haddii asalka qoyskaaga aanu soo jeedin in ilmuhu leeyahay fursad weyn uu qaado cudurka haemoglobinka.
4. Nabadgeliyada baaritaanka
Baaritaanka eegidda ma dhibaataynayo adiga ama ilmaha laakiin waa muhiim in taxadar leh loo tixgeliyo haddii la samaynayo baaritaankan iyo haddii kaleba. Baaritaanka eegidda wuxuu bixinayaa macluumaad macnihiisu noqon karo inaad samayso go’aanno dheeraad ah oo muhiim ah. Tusaale ahaan, waxaa lagu siin karaa baaritaanno dheeraad ah oo leh khatar ilmo-dilan.
5. Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga
Qasab ma aha inaad qaadato tijaabada baaritaanka. Qaar dadka ah waxay doonayaan inay ogaadaan haddii ilmahoodu qabo cudurka sickle cell ama thalassaemia halka qaarna aysan doonayn.
6. Diiditaanka baaritaanka
Haddii aad dooratid inaadan iska qaadin tijaabada baaritaanka uurka, cunuga waxaa la siin karaa baaritaanka dhiigga ee SCD marka uu jiro 5 cisho.
7. Natiijooyinka soo bixi kara
Baaritaanku wuxuu kuu sheegayaa haddii aad cudur-side tahay iyo haddii kaleba, ama haddii aad adiga naftaadu cudurka qabto.
8. Baaritaano dheeraad ah
Haddii aad tahay cudur-side ee cudurka haemoglobin, aabaha ilmaha waxaa la siinayaa baaritaan dhiig. Haddii aabaha ilmaha uu sidoo kale yahay cudur-side waxaa la idin siinayaa baaritaan wax-la-sii ogaaday si loo ogaado haddii ay ilmaha saamaysay.
Haddii aabaha ilmaha uusan diyaar u ahayn oo adigana laguu aqoonsaday inaad tahay side, waxaa lagu siin doonaa baadhitaanka ogaanshaha.
Qiyaastii 1 ilaa 2 ee 200-kiiba (0.5% ilaa 1%) ee baaritaanada ogaanshaha waxay natiijaduudu noqoneysaa dhicin. Adiga ayay kuu taal haddii aad samaynayso iyo haddii kaleba baaritaan dheeraad ah. Waxaa jira 2 nooc oo ah baaritaanka ogaanshaha.
CVS (muunadeynta chorionic villus) waxaa badanaa la sameeyaa 11 illaa 14 usbuuc ee uurka. Cirbad fiican, oo caadiyan lagu mido caloosha hooyada, ayaa loo isticmaalaa qaaditaanka dheecaan baaritaan laga keenay placenta. Unugyada nuddo ayaa laga baaraa cudurrada sickle cell ama thalassaemia.
Baaritaanka isticmaalka dheecaanka amniotiga waxaa badanaa la sameeyaa ka dib 15 toddobaad ee uurka. Cirbad fiican ayaa lagu mudaa caloosha hooyada iyadoo u gudbaysa minka- uterus si loo soo qaado waxoogaa dareere ah ee ku wareegsan ilmaha. Dareeraha waxaa ku jiraa qaar ka mid ah unugyada ilmaha, kaasoo laga baari karo cudurrada sickle cell ama thalassaemia.
9. Natiijooyinka soo bixi kara ee baaritaanada ogaanshaha
Haddii maxsuulku muujiyo in ilmuhu qabo cudurka sickle cell ama thalassaemia markaa kaddib waxaa ballan lagaaga samaynayaa xirfadle caafimaad. Waxaad heli kartaa macluumaad ku saabsan xaaladda uu ilmuhu dhaxlay adigoo kala hadlaya sida kula fiican.
Xaaladaha qaar way ka khatarsan yihiin kuwa kale. Dumarka qaarkood waxay go’aansadaan inay sii wadaan uurka. Qaar kale waxay go’aansadaan inay iska joojiyaan uurka wayna iska soo ridaan.
Haddii aad la kulanto doorashadan waxaad heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda iyo taageerada xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka si ay kaaga caawiyaan inaad gaarto go’aan. Macluumaadka waxaa sidoo kale laga heli karaa kooxaha taageerada.
Haddii baaritaanku muujiyo inaad cudur-side tahay, waxaa jira fursad ah in xubnaha kale ee qoyskaaguna ay cudur-sideyaal ahaan karaan sidoo kale. Waxaad ku dhiiro-gelin kartaa inay baaritaan sameeyaan, gaar ahaan haddii ay qorshaynayaan inay ilmo qaadaan.
10. Helitaanka natiijooyinka baaritaanka ogaanshaha
Qofka samaynaya baaritaanka wuxuu kaala hadlayaa habaynta helitaanka maxsuulkaaga.
Raadi macluumaad dheeraad ah iyo faahfaahinta kooxaha taageerada on NHS.UK.
11. Ku saabsan buug-yerahan
Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) wuxuu sameeyay buug-yarahaan isagoo ka wakiil ah NHS.