Baaritaanka kansarka mindhicirka: baaritaanka malawadka (Somali)
La cusboonaysiiyay 27 January 2025
Applies to England
Buug-yarahani waxa uu bixiyaa macluumaad ku saabsan baaritaanka malawadka haddii loo baahdo baaritaanno dheeraad ah ka dib marka la isticmaalo xirmada baaritaanka kansarka mindhicirka ee NHS.
1. Waa maxay sababta NHS ay u bixiso baaritaanka malawadka
Baaritaanka mindhicirka wuxuu kaa caawin karaa in la helo burooyinka iyo kansarka mindhicirka sababtoo ah waxay samaysmi karaan astaamo/calaamado la’aan.
Burooyinku waa waxyaabo yaryar oo ka soo baxa xuubka mindhicirka weyn. Burooyinka badankoodu ma ahan kuwo dhib leh, laakiin qaarkood waxay u badan tahay inay isu beddelaan kansar. Kansarka mindhicirku waa kansar laga helo meel kasta oo mindhicirka weyn ah. Waxaana ka mid ah mindhicirka iyo malawadka.
Waxaan bixinaa baaritaanka malawadka haddii aan cadad cayiman oo dhiig ah ka helno muunaddaada saxarada. Burooyinka iyo kansarka mindhicirka mararka qaarkood waxaa ka imaan kara dhiig laakiin mar walba ma arki kartid dhiigaas. Dadka intooda badan ma yeelan doonaan kansarka mindhicirka, laakiin in la sameeyo baaritaanka malawadka waxay naga caawisaa inaan ogaano sababta keentay dhiiga.
Haddii aad qabtid burooyin, sida caadiga ah waxaan kaa saari karnaa inta lagu jiro baaritaanka malawadka. Tani waxay si weyn u yarayn kartaa halista aad ugu jirto inaad qaato kansarka mindhicirka. Haddii ay jiraan calaamado muujinaya kansarka mindhicirka, waxaa laga yaabaa inaan ku siin karno daaweyn. Helitaanka kansarka mindhicirka xilli hore waxay sababi kartaa in daaweyntu ay noqoto mid waxtar leh.

Mindhicirka iyo malawadka ayaa isku noqonaya mindhicirka weyn
Mindhicirku waa qayb ka mid ah hab-dhiska dheefshiidka. Wuxuu nafaqooyinka iyo biyaha ka nuugaa cuntada wuxuuna wixii haraa ah u bedelaa saxaro.
2. Baaritaanka mindhicirka
Baaritaanka mindhicirka waa baaritaan lagu hubinayo gudaha mindhicirkaaga si loo ogaado inay jiraan kansarka burooyinka iyo mindhicirka. Baaritaanka wuxuu sidoo kale gacan ka gaysanayaa in la xaqiijiyo haddii aad qabto xaalad caafimaad oo xagga mindhicirka ah oo aan ahayn kansarka mindhicirka.
Dhakhtar si gaar ah u tababaran oo loo yaqaano ‘colonoscopist’ ayaa sameyn doona baaritaanka.
Waxay tuubo dhuuban, dabacsan oo kamarad yar ku xiran gelin doonaan guntaada. Waxaa loo yaqaanaa ‘colonoscope’. Waxaa laga yaabaa inaad dareento tuubada oo gudaha u galaysa, laakiin dadka intooda badan xanuun ma dareemaan. Waxay shaashad ku muujin doontaa gudaha mindhicirkaaga.

Dhakhtarka baaritaanka samaynaya wuxuu shaashada ka eegayaa sawirada mindhicirka gudahiisa laga soo qaadey
Baaritaanka malawadku wuxuu caadi ahaan qaataa 30 ilaa 45 daqiiqo. Ballantaada oo dhan waxay qaadan kartaa ilaa 2 saacadood.
3. Ballamahaaga
Ballantaada ugu horreysa waxay noqon doontaa mid looga hadlayo baaritaanka malawadka. Tani waxaa loo yaqaanaa ballanta dhakhtar takhasus leh (SSP). Dkakhtarka takhasuslaha ah ayaa:
-
kaala hadal natiijadaada baaritaanka
-
kuu sharaxi doona waxa uu yahay baaritaanka malawadka
-
kuu sharaxi doona khataraha iyo faa’iidooyinka suurtagalka ah
-
kaala hadli doona xulashooyinka la heli karo si laguugu fududeeyo
-
kaaga jawaabi doona su’aal kasta oo aad qabto.
Wuxuu eegi doonaa haddii baaritaanka malawadka uu kugu habboon yahay. Wuxuu ku weydiin doonaa xaalad kasta oo caafimaad oo laga yaabo inaad qabto iyo haddii aad daawooyin qaadato. Dadka qaarkiis ma qaadan karaan baaritaanka malawadka. Dhakhtarka takhasuslaha ah waxa uu qiimayn doonaa haddii baaritaanka malawadka ee loo yaqaano CT colonography (CTC) uu kugu habboonaan karo. Baaritaankan wuxuu isticmaalaa raajo si loo gubiyo caafimaadka mindhicirkaaga. Akhri xog ku saabsan qaadashada iskaanka/baaritaanka CTC adigoo booqanaya GOV.UK.
Haddii aad caafimaad ahaan taam tahay oo lagugu samayn karo baaritaanka malawadka, waxaad dooran kartaa haddii la sii guda geli lahaa habraaca iyo haddii kale. Haddii aad oggolaato, baaritaanka wuxuu badanaa ka dhici doonaa isbitaalka. Wuxuuna ku dhici doonaa 2 toddobaad gudahooda laga bilaabo ballantaada ugu horreysa.
Fadlan u sheeg dhakhtarka takhasuslaha ah haddii aad qabto shuruudo dheeraad ah. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato qof inuu kugu caawiya ballantaada, sida daryeele ama turjubaan.
Waxaad codsan kartaa dhakhtar lab ama dhedig ah oo kugu sameeya baaritaanka malawadka. Waxaan isku dayi doonaa inaan qaabilno dookhaaga, laakiin taasi mar walba suurtagal maaha.

Jaantus muujinaya dariiqa ballanta baaritaanka mindhicirka
4. Kahor baaritaankaaga malawadka
Waxaad heli doontaa tilmaamo xilliga ballanta baaritaanka ee dhakhtarkaa takhasuslaha ah. Tilmaamahan waxay kaa caawin doonaan inaad u diyaargarowdo baaritaanka malawadka.
Mindhicirradaada waa inay marnaadaan si habraaca loo fuliyo. Fadlan tilmaamaha u raac si taxadar leh. Tilmaamaha waxaa ka mid noqon doona:
-
waxa aad u baahan tahay inaad cunto iyo inaad cabto maalmaha ka horreeya baaritaanka malawadka
-
goorta ay tahay inaad joojiso wax cunista iyo wax cabbista
-
waxaa lagu siinayaa xirmooyin yaryar oo waxyaabaha caloosha jilciya ah si aad u cabto, ama macluumaad ku saabsan sida loo helo
-
sida iyo goorta la qaadanayo dawooyinka caloosha jilciya.
Daawooyinka caloosha jilciya waxay kugu qasbi doonaan inaad aaddo musqusha in ka badan sidii caadiga ahayd si ay kaaga caawiyaan faarujinta mindhiciradaada. Tani waxay badanaa noqon doontaa maalinta ka horeysa iyo mararka qaarkood maalinta habraaca la samaynayo.
Caadi ahaan waad soo jeedeysaa xilliga baaritaanka malawadka. Waxaad kala dooran kartaa:
-
xanuun baabiiye
-
gaas iyo hawo
-
suuxdin - daawo laguu soo marsiinayo tuubo yar taas oo lagu turayo cududaada.
Isbitaalada qaar ayaa laga yaabaa in aanay bixin dhammaan xulashooyinkan.
5. Maritaanka baaritaanka malawadka
Baaritaanka malawadka wuxuu ka dhici doonaa waaxda baaritaanada malawadka.
Maalinta habraaca, kalkaaliso ama takhasusle ayaa kuu sharxi doona waxa dhici doona iyo khataraha suurtagalka ah. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad saxiixdo foomka oggolaanshaha. Taasi waxaa loo samaynayaa si loo xaqiijiyo inaad fahantay khataraha iyo inaad ogolaatay in habraaca la sameeyo.
Haddii aad ogolaato, waxay kaa codsan doonaan inaad ku lebisato goonnada isbitaalka. Waa lagu dabooli/qarin doonaa xilliga habraaca. Goonadu waxay dhabarka ka leedahay dilaac/jeex.
Waa inay ku siiyaan xulashooyin ah xanuun baabiin.
Si aad u marto baaritaanka, waxaad u jiifsanaysaa dhinacaaga bidix iyadoo jilbahaagu inyar kor u foorarsan yahay.
Tuubbadu waxay galaysaa guntaada waxaana lagu hagayaa xagga sare ee mindhicirkaaga weyn. Tuubbadu si fudud ayay u laalaabantaa si ay u dhex marto qalqalooca mindhicirkaaga.
Dhakhtarka baaritaanka malawadka ayaa si tartiib ah biyo ama gaas (kaarbon dioxide) ugu shubi doona gudaha mindhicirka. Tani waxay furaysaa mindhicirkaaga waxayna gacan ka gaysanaysaa in la arko. Waxaa laga yaabaa inaad dareento inaad u baahan tahay inaad saxarooto, laakiin mindhiciradaada ayaa mar hore la faarujiyay marka waxba haka walwalin. Waa caadi in aad dareento xoogaa calool-fuur ah.
Waxa laga yaabaa in aad dareento xoogaa calool xanuun ah. Maritaanka baaritaanka malawadka waxay noqon kartaa mid aan raaxo lahayn laakiin ma aha inuu xanuun ku dareensiiyo. Haddii aad dareento wax xanuun ah, u sheeg. Waxay samayn karaan wax-ka-bedelo si ay kuu dareensiiyaan raaxo.
Waxa laga yaabaa inay burooyinka ka saaraan mindhicirkaaga ama inay muunad yar ka qaadaan unugyada jirka si ay si dhow ugu eegaan mikroskoob. Tani waxaa loo yaqaanaa ‘biopsy’. Waxba ma dareemi doontid haddii taasi ay dhacdo sababtoo ah neerfooyin kuma yaaliin mindhicirkaaga.
6. Ka dib baaritaankaaga malawadka
Waxaad aadi doontaa aagga soo kabashada si aad u nasato. Kalkaaliyeyaasha ayaa ku kormeeri doonaan ilaa aad diyaar u tahay inaad guriga aado. Waa laguu sheegi doonaa haddii dhakhtarka baaritaanka malawadka uu kaa saaray wax burooyin ah ama uu kaa qaaday baayobsi/muunad.
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato:
-
qof guriga ku geeya sababtoo ah waxaa laga yaabaa inaad dareemayso dawakhaad, gaar ahaan haddii lagugu durey irbida suuxinta
-
inaad nasato, sidaas darteed waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad fasaxa ka qaadato shaqada ama wixii hawlo kale ah.
Waxaa laga yaabaa inaad dareento calool fuur ama calool xanuun ka dib baaritaanka malawadka. Tani waxay badanaa socotaa 2 ilaa 3 saacadood oo keliya.
Haddii aad qaadatey irbida suuxdinta, waa:
-
Inaad haysataa qof weyn oo mas’uul ah oo kula jooga ugu yaraan 12 saacadood
-
Inaadan wadin gaari, cabin aalkolo ama aadan ku shaqayn mishiinada waaweyn ilaa 24 saacadood.
Waxaa laga yaabaa in xoogaa dhiig ah aad ku aragto saxaradaada ama aad dhiigbax ku aragto dabadaada/guntaada ilaa dhowr maalmood. Waxyaalahan waa waxyaabo iska caadi ah. Haddi astaamuhu kaa baabi’I waayaan 2 maalmood ka dib, waa inaad u tagtaa GP-gaaga.
Wac 111 ama isbitaalka lagugu sameeyay baaritaanka malawadka haddii aad isku aragto:
-
dhiigbax culus oo ka socda dabadaada/guntaada
-
dhiigbax aan kaa baaba’ayn ama ka sii daraya
-
calool xanuun daran ama xanuun ka sii daraya
-
heerkul sareeya ama dareemid kulayl ama qarqaryo.
7. Khataraha suurtagalka ah ee baaritaanka malawadka
Xaalado dhif ah, baaritaanka maawadka wuxuu seegi karaa kansar ama burooyin hadhow isku beddeli kara kansar. Tani waxay inta badan dhacdaa haddii:
-
mindhiciradaadu aanay gabi ahaanba marnayn
-
ay adagtahay in kamarada lagu dhex hago mindhicirkaaga.
U tag GP haddii aad isku aragto astaamaha kansarka mindhicirka. Tani waa muhiim xitaa haddii aad dhawaan martay baaritaanka kansarka mindhicirka. Akhri xog badan oo ku saabsan astaamaha kansarka mindhicirka adigoo booqanaya NHS.UK.
Xaalado dhif ah, dhibaatooyin ayaa dhici kara inta lagu jiro baaritaanka maawadka haddii aad:
-
falcelin kala kulanto irbida suuxinta
-
la kulanto dhiigbax culus ka dib baaritaanka maawadka
-
la kulanto dilaaca mindhicirka (jeex yar ama dalool yar) oo ka samaysma mindhicirkaaga.
Ku dhawaad 1 qof ee 2,500-kii qofood ee mara baaritaanka maawadka ayaa u baahda dhiig ku shubid.
Daloolitaanka/dilaacida mindhicirku waxay ku dhacaan qiyaastii 1 ka mid ah 1,700 baaritaan oo malawad ee la sameeyo. Haddii tani ay dhacdo, waxaa laga yaabaa inaad u baahato qalliin si loo hagaajiyo. Tani waxay ku xirnaan doontaa xajmiga iyo booska daloolka/dilaaca. Qaar uma baahna wax qalliin ah.
Xaalado aad dhif u ah, dhibaatooyinka ka dhasha baaritaanka maawadka waxay keeni karaan dhimasho. Dhakhtaatiirta baaritaanka maawadka ayaa ah kuwo si aad ah loo tababaray taasina waa mid aan u badnayn inay dhacdo.
Tirakoobyadani waxay kaliya hage u yihiin dadweynaha guud. Dhakhtarka takhasuska leh ee baaritaanka ayaa kuu sheegi doona khataraha shakhsi ahaaneed. Tani waxay ku salaysnaan doontaa da’daada iyo caafimaadkaaga.
8. Natiijooyinka baaritaanka maawadka
Waxaa laga yaabaa inaad hesho natiijadaada isla maalintaas, ama waxay qaadan kartaa dhowr toddobaad. Waxaan sidoo kale GP-gaaga u direynaa koobiga natiijooyinkaaga.
Waxaa jira 4 natiijooyin oo waaweyn:
-
natiijooyinka caadiga ah
-
burooyin in la helo – looma baahna kormeer dheeraad ah
-
burooyin in la helo - kormeer dheeraad ah in loo baahdo
-
kansarka mindhicirka.
Mararka qaarkood waxaan helnaa xaalado kale oo caafimaad oo la xiriirta mindhicirka. Waxaa suurtogal ah in lagaa helo burooyin ama kansarka mindhicirka iyo xaalado kale oo caafimaad oo la xiriira mindhicirka xilliga baaritaanka maawadka.
8.1 Natiijooyinka caadiga ah
Ku dhawaad 11 ka mid ah 100kii qof ayaa hela natiijadan.
Waxay la macno tahay:
-
inaanan helin wax burooyin ah, iyo
-
inaysan jirin calaamado muujinaya xaalado kale oo caafimaad oo la xiriira mindhicirka.
Waxaan kuu soo bandhigi doonaa baaritaanka kansarka mindhicirka mar labaad 2 sano gudahood haddii aad weli ka yar tahay da’da 75.
8.2 Burooyin in la helo – looma baahna kormeer dheeraad ah
Ku dhawaad 50 ka mid ah 100kii qof (kalabar) ayaa natiijadan hela.
Waxay la macno tahay:
-
Inaan burooyinka kaa saarnay intii lagu guda jirey baaritaanka malawadka, ama
-
inaan muunad unugyo ah (biopsy) ka qaadnay mindhicirkaaga si loo baaro.
Ka dib marka la baaro muunadaada, uma baahnid daaweyn dheeraad ah ama hubinta baaritaanka malawadka.
Waxaan kuu soo bandhigi doonaa baaritaanka kansarka mindhicirka mar labaad 2 sano gudahood haddii aad weli ka yar tahay da’da 75.
8.3 Burooyin in la helo –kormeer dheeraad ah ayaa loo baahan yahay
Ku dhawaad 11 ka mid ah 100kii qof ayaa hela natiijadan.
Waxay la macno tahay inaan helnay nooc buro ah oo halis sare leh. Burooyinkan waxay aad ugu badan yihiin inay isu beddelaan kansarka mindhicirka.
Marmarka qaarkood burooyinku aad bay u adag yihiin oo lama saari karo inta lagu jiro baaritaanka malawadka. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa laga yaabaa inaad u baahato dhakhtar kale oo takhasus u leh baaritaanka malawadka ama qalliin kale.
Waxaanu markaa ku siin doonaa baaritaanada malawadka oo joogto ah mustaqbalka. Kuwaasi waxaa lagu eegayaa caafimaadka mindhicirkaaga iyo si loo eego haddii aad qabtid burooyin cusub.
8.4 Kansarka mindhicirka
In u dhaxaysa 7 iyo 10 oo ka mid ah 100kii qof ayaa hela natiijadan.
Haddii aan helno kansarka mindhicirka, waxaad arki doontaa dhakhtar ku takhasusay kansarka si uu kaala hadlo xulashooyinka daaweynta iyo taageerada.
Dadka intooda badan (qiyaastii 9 ka mid ah 10kii qof) ee qaba kansarka mindhicirka ee marxaladda xilliga hore ah waxay helaan daaweyn guul leh.
Haddii aad qabtid kansarka mindhicirka oo heer sare gaarey, waxaa laga yaabaa inay adkaato in la daweeyo oo aanay suurtogal noqoninba in la daweeyo.
8.5 Xaaladaha kale ee caafimaad ee la xiriira mindhicirka
Mararka qaarkood baaritaanka malawadka ma helo burooyin ama kansarka mindhicirka, laakiin waxaan helnaa xaalado kale oo caafimaad oo la xiriira mindhicirka sida:
Ku dhawaad 18 ka mid ah 100kii qof ayaa hela natiijadan.
Waxaad wax badan oo ku saabsan xaaladahan caafimaad ka heli kartaa NHS.UK. Haddii aan helno astaamo muujinaya inay jiraan xaalado kale oo caafimaad oo la xiriira mindhicirka, GP-gaaga ayaa kuu sharxi doona waxa ay astaamahaas ka dhigan yihiin iyo tallaabooyinka xiga. Waxa laga yaabaa inaad u baahato daawayn ama kormeer ka baxsan barnaamijka baaritaanka kansarka mindhicirka.
Jaantus muujinaya natiijooyinka 100kii qof ee maraya baaritaanka malawadka
9. Macluumaad dheeraad ah iyo taageero
Wixii talo ah ee ku saabsan maritaanka baaritaanka malawadka, waxaad wici kartaa khadkeena caawinta ee bilaashka ah 0800 707 60 60. Haddii aad qabto dhibaatooyin maqal ama hadal, waxaad isticmaali kartaa adeegga Relay UK si aad noola soo xiriirto. Garaac 18001 ka dibna 0800 707 60 60 adigoo isticmaalaya taleefankaaga ama Ablikeeshinka Relay UK.
Macluumaadkan waxa lagu heli karaa qaabab kale, oo ay ku jiraan akhriska fudud iyo luuqado kale. Si aad u codsato macluumaadkan oo qaab kale ah, waxaad wici kartaa 0300 311 22 33 ama iimayl u diri kartaa england.contactus@nhs.net.
Waxaad sidoo kale:
-
kala hadli kartaa GP-gaaga
-
hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka kansarka mindhicirka adigoo booqanaya NHS.UK
Haddii aad 75 jir tahay ama aad ka weyn tahay, weli waad ka qayb qaadan kartaa baaritaanka kansarka mindhicirka labadii sanaba mar, laakiin laguguma martiqaadi doono. Waxaad ka wici kartaa khadka caawinta 0800 707 60 60 si aad u codsato xirmada baaritaanka ee lagu isticmaalo guriga.
Waxaan macluumaadka shakhsi ahaaneed ee ku jira diiwaannadaada NHS u isticmaalnaa inaan kugu casuuno baaritaanka waqtiga saxda ah. Macluumaadkani wuxuu naga caawinayaa inaan horumarino barnaamijyada baaritaanka iyo bixinta daryeel tayo leh. Akhri wax badan oo ku saabsan sida aanu u isticmaalno oo aan u ilaalino macluumaadkaaga.